Ra’iisul wasaare Xamse oo ka hadlay xalka xiisadii ka dhalatay askarta lagu laayay Ceelbaraf
Jan 15 (Jowhar)-Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa fagaare kaga hadlay xalka hordhaca ah ee laga gaaray wadahadaladii ka socday magaalada Beledweyn ee loogu jiray sidii loo aasi lahaa askartii lagu laayay Ceelbaraf oo Sh Dhexe ka tirsan.
Mudane Xamse ayaa tilmaanay in dhammaan la isku raacay in la soo af jaro foowdadii oo la isla ogolaaday in sharcigu shaqeeyo, sida uu hadalka u dhigay.
“ Waxaan bogaadinayaa dadaaladii maalmihii la soo dhaafay ka socday Magaalada Beledweyne, waxaana ilaahay mahadiis ah in dhammaan la isku raacay in la soo af jaro foowdadii oo la isla ogolaaday in sharcigu shaqeeyo”. Ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.
Si kastaba, Taliyaha NiSA, Wasiirka Batroolka iyo Odayaasha Mudulood ee ka tagay Muqdisho ayaa ku guuleystay in askartii lagu celiyo furimaha dagaalka, Meydadka Lixda askarina la aaso, iyadoo la bixinayo diyada askartaadi, waxaana lagu raad joogaa 14 qof oo falkaasi lala xiriiriyay.