Rw Xamse “Waxan u adkaysan waayay waa dhintay waa baxsaday,kadib talaabo ayaan qaadnay”

July. 30 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa galabta Degmada Heliwaa kaga qayb kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha nabad galayada iyo maamulka Gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in amniga Caasimada Muqdisho ahmiyad gaar ah siisay Xumuumadda #DanQaran taasina ay makhraati ka tahay in maanta degmada Heliwaa lagu qabto kulanka wacyi galinta iyo wada shaqaynta bulshada oo muddo kor hor aanay suuro gal ahayn.

“Saddex maalmood oo isku xigta ayaa la ii keenay warbixino sheegaya in dhowr iyo labaatan ruux ay dhinteen ayna baxsadeen dadkii diley,kadibna waxaan abaabulay shir ay ka soo qeybgaleen guddoomiyaasha degmooyinka iyo taliyaasha ciidamada waxaan go’aansanay in tallaabo la qaado oo magaalada amnigeeda lagu sugayo.”ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa khudbadiisa ku sheegay in markii ay ciidamada Soomaaliyeed ay ku tashadeen awoodooda ay wax weyn ka qabteen amniga caasimada,balse haatan loo baahan yahay in dib loo dhiso caasimada taasina ay tahay mid gacmaha shacabka Soomaaliyeed lagu dhisi karo.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in wada shaqaynta hay’adaha Amniga iyo dadwaynaha caasimadu wax weyn ka beddeshay amniga caasimadda, isla markaana hadda degmo kasta si nabad galyo ah lagu tagi karo, taasina ay qayb ka tahay isku xirnaanta shacabka iyo hay’ada amniga.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen Wasiirro, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, xildhibaanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaaruhu uga mahdnaqay bulshada degmada Heliwaa wada shaqaynta iyo dhago nugaylka ay u yeesheen hay’adaha amniga, isla markaana degmooyinka kale ugu baaqay in si dhaw loola shaqeeyo hey’adaha amniga caasimada si looga cirib tiro haraadiga Khawaarijta ku gabanaya guryaheena.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More