Ra’iisul wasaare Xamze oo beri ku wajahan Baydhabo si uu u xaliyo tabashada K/Galbeed

Sep 10 (Jowhar) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamze Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalinta berri ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamze ayaa la xiriira si uu u qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhex qaraxday Villa Somalia iyo maamulka Koofur Galbeed.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse uu ku qancin doono Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen, si uu u tago Muqdisho, loona ambaqaado xalinta arrimaha taagan iyo tabashada ay qabto Koofur Galbeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More