Ra’iisul wasaare Xamze oo dhoola tus xooggan kusoo bandhigay Muqdisho, xili mooshin…..
Apr. 29 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo maalmihii la soo dhaafay dalka uga maqnaa gudasha Fadliga Cumrada, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Golaha Wasiirrada, Masuuliyiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa sheegay in uu dadka iyo dalkaba ugu duceeyay in Rabbi nabadgelyo, Barwaaqo iyo midnimana ku gallado.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in sannadkani uu noqon doono mid ay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed muddo gaaban gudahood dalka kaga sifeyn doonaan Haraadiga Khawaarijta firxadka ah, dalkuna ku tallaabsan doono guulo kale oo waaweyn oo ay kamid yihiin dhameystirka barnaamijka deyn cafinta, qabyo-tirka Dastuurka KMG iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dalkeenna Eebbe ku galaday.
Soo dhaweynta saaka loo sameeyay ra’iisul wasaare Xamze ayaa ka duwan kuwii hore loo sameyn jiray marka uu dalka dib ugu soo laabto, waxeyna arrintan kusoo aaday xili maalmihii la soo dhaafay warbaahinta gudaha iyo baraha bulshada lagu hadal hayay Mooshin la sheegay in laga wado wasiirka koowaad ee xukuumada Xamze.
Ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa inuu dar dar geliyo howlihiisa, isagoo kulamo kala duwan la qaadan doona mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa beesha caalamka.