Ra’iisul wasaare xamze oo gaaray magaalada Laascaanood

Apr 12 (Jowhar)-Ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre ayaa goordhow gaaray magaalada Laascaanood oo xarun u ah maamulka SSC Khaatumo, halkaasoo labadii cisho ee ina dhaaftay soo dhaweyntiisa ay ka socotay.

Xamze oo safarka saaka uu ku wehlinayay taliyaha ciidanka booliska Asad Diyaano ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxweynaha SSC Khaatumo, Garaadada deegaanka, wasiiro, xildhibaano, Saraakiil iyo bulsho badan.

Xamze Cabdi Barre ayaa laga sugayaa halka uu gaarsiin doono meeqaamka SSC Khaatumo oo xogaha sheegayaan in laga yaabo iney soo fariisato shirka Wadatashiga Qaran ee bisha danbe Muqdisho ka dhacaya.

Inkasta oo aqoonsiga ay helayso Khaatumo uusan dhammayn mid la miisaan ah Dowlad goboleed, haddana waa mid dhabaha u xaaraya inay halkaas gaarto marka ay soo dhammaystirto shuruudaha Dastuuriga ah ee ku xiran.

Khaatumo ayaana noqonaysa Dowlad hoostagta Muqdisho taas oo si rasmi ah qayb uga noqonaysaa talada dalka, waana meeqaam lamid ah kan gobolka Benaadir.

Inta uu joogo RW xamse waxaa uu dhagax dhigi doonaa mashaariic badan oo ay ku jiraan 7 mashruuc oo heer sare ah.

Si kastaba, Waa mas’uulkii ugu sarreeyey ee tan iyo burburkii taga magalaadaas, waana RW-hii koowaad ee booqda magaaladan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More