Ra’iisul wasaare Xamze oo isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada
Apr 27(Jowhar) Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sameeyay isbadallo taabanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad iyo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga.
Sida warbaahinta uu u sheegay Afhayeenka xukuunada Farxaan Jimcaale, mudane Jibril Cabdirashiid oo dhawr toddobaad ku magacaaban Wasiirka Gaashaandhigga ayaa loo wareejinayaa Ra’iisul Wasaare ku Xigeen, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa noqoday Wasiirka Gaashaandhigga, halka Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) loo wareejiyay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, horey waxa uu u ahaa ra’iisul wasaare kuxigeenka 2-aad.
Bil gudeheed, wasaarada Gaashaandhigga waxa ay yeelaneysaa saddex wasiir, halka Fiqi uu saddex wasaaradood ka qabtay xukuumadan Xamze.