Ra’iisul wasaare Xamze oo kulan gaar ah la yeeshay madaxa UNSOS

Feb. 26 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS, Lisa Filipetto, oo booqasho sagootin ah ugu timid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Ms. Filipetto hawshii ay ka qabatay dalka intii ay madaxda ka ahayd Xafiiska Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOS), wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wacan.

Lisa Filipetto ayaa dhankeeda uga mahadcelisay dowladda Soomaaliya, sidii diiraneyd ee ay ula shaqeeyeen intii ay ku guda jirtay hawsheeda, waxayna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku boggaadisay horumarka ay ka sameysay hawlaha sugidda amniga, xasillinta dalka iyo dib u heshiisiinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More