Ra’iisul wasaare Xamze oo kulan la qaatay simaha Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Apr 07(Jowhar)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-simaha Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr Chen Wendi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Waxa ay sidoo kale isla meel dhigeen sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Shiinaha siiyo dalkeena, gaar ahaan dhinacyada bani’aadannimada.

Ra’iisuo wasaare Xamze ayaa sidoo kale dowladda Shiinaha ka dalbaday iney door fir fircoon ka qaadato dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More