Ra’iisul wasaare Xamze oo xaqiijiyay inuu tagayo magaalada Laascaanood

Apr 06(Jowhar) Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xaqiijiyay inuu tagayo Magaalada  Laascaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo.

Mudane Xamze oo ka hadlayay Munaasabadda xil wareejinta Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga ayaa sheegay in booqashadiisa ay Midnimada dalka xoojinayso.

Xamze ma sheegin xiliga rasmi ahaan uu aadayo xarunta gobolka Sool.

Arrintan ayaa kusoo beegmeyso xili labadii cisho ee ina dhaaftay la hadal hayay in ra’iisuo wasaaraha uu baajiyay safarkiisa Laascaanood kadib walaac ay arrintaasi ka muujiyeen xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More