Ra’iisul wasaare Xamze oo xilkii ka qaaday wasiirkii hayay galka shidaal baarista

Dec 21  ( Jowhar)Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre ayaa isku shaandheyn kooban iyo xil ka qaadis sameeyay, iyadoo Wasiirkii Batroolka C/risaaq Cumar oo ka mid ahaa gacanta midig ee Madaxweyne Xasan Sheekh ahna ninkii haayay galka Shidaal baarista xilka uu ka qaaday, waxaana lagu bedelay Daahir Shire.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamze ayaa isku bedelay Wasiirka Haweenka iyo Deegaanka iyo isbedelka Cimilada, Gen Bashiir Goobe oo xilka Wasiirka Qoyska haayay loo magacaabay Wasiirka Deegaanka iyo Is bedelka Cimilada, halka Khadiija Makhzuumi loo magacaabay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka

Arrinta hadal heynta dhalisay ayaa ah xil ka qaadista Wasiirka Batroolka C/risaaq Cumar oo ka mid ahaa kaadiriinta Xisbiga UPD, sidoo kalena ah Madaxweynaha abtigiisa, waxaana durba arrintan loo qaatay in Madaxweynuhu uu tartiib tartiib u bixinayo saaxibadiisii dhiigga u shubay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More