Rasaas culus oo laga maqlayo Garoowe iyo xiisadii diiwana gelinta doorashada oo ka sii dartay
Feb. 06 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in halkaasi laga maqlayo rasaas goos goos ah oo salka ku heysa muranka hareeyay diiwaan-gelinta doorashooyinka lagu muransan yahay ee qof iyo cod.
Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo uu hoggaaminayo S/Guuto Jimcaale Jaamac ayaa diidan diiwaan gelintan,rasaasta waxaa laga maqlayaa nawaaxiga jaamacadda PSU iyo dugsiga sare ee Gambool oo kamid goobaha loo asteeyay diiwaan-gelinta.
Ciidamada diidan barnaamijkan iyo kuwa loo xilsaaray ilaalinta goobaha diiwaan-gelint ee dagaalamay ayaan la ogeen khasaaraha kala gaaray, waxaana jira gurmadyo ay kala helayaan labada dhinac.
Dhinaca kalena waxaa socda wadahadalo u dhexeeya maamulka Deni iyo mucaaradkiisa oo la xiriirta hirgelinta barnaamijka diiwaan gelinta oo malaayiin doolar looga soo qaatay Qaramada Midoobe oo dalal kamida Yurub.
Maalinimada beri ayey guddiga doorashooyinka u qorsheeyeen in gobolka Nugaal ay ka bilaabato diiwaan gelinta doorashada lagu muransan yahay.