Rooble iyo James Swan oo ka wada hadlay sidii dalka looga hirgalin lahaa doorasho loo dhan yahay
Feb 01 (Jowhar) Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay Ergeyga KMG ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.
Labada dhinac ayaa iska xog-wareystay marxaladda guud ee dalka iyo arrimaha muhiimka u ah horumarka dalka, gaar ahaan muhiimadda loo qabo sidii Dalka looga hirgalin lahaa Doorasho Xor iyo xalaal ah, isla markaana loo wada dhan yahay kuna qabsoonta waqtigeeda.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa si weyn loogu xusuustaa kaalintooda ku aaddaneyd ka gudbiddii marxaladii adkeyd ee uu dalku galay iyo qabsoomiddii doorashadii ugu dheereyd ee gudaha dalka ka dhacday xilligii 2020-2022.