Ruto oo Group-ka Whatsupka madaxtooyada ka saaray kuxigeenkiisa Rigathi Gachagua

Screenshot

Sep 21 (Jowhar) Madaxweyne kuxigeenka dalkaasi Kenya ayaa sheegay inuu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha.

Rigathi Gachagua waxuu sheegay in laga saaray whatsap groupka shaqada madaxtooyada, talabaadaas oo ui ku eedeeyay inuu qaaday madaxweyne William Rutto.

Waxa uu hadalkiisa intaasi sii raaciyay inuu sidoo kale la soconin arrimaha Madaxtooyada dalka, maadaana laga saaray Group-kii Whatsupka ee shaqada lagala socon jiray.

Si kastaba, Majirto wali wax war ah oo uu arrintan kasoo saaray madaxweyne William Rutto oo mudooyinkan la daalaa dhacayay khilaaf gudaha dalkiisa ah, maadaana sicir barat baahsan ay ka cabanayeeb shacabkiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More