Ruushka iyo Reer Galbeedka oo is weydaarsaday 24 maxbuus
Aug 01 (Jowhar.com)-Maxaabiistii ugu badneyd ee ay isweydaarsadaan Ruushka iyo reer galbeedka tan iyo dagaalkii qaboobaa ayaa dhacay maanta, iyadoo 24 qof la isku weydaarsaday.
Aqalka Cad ayaa sheegay in 16 maxbuus la sii daayay oo ay dib ugu laabanayaan Yurub iyo Mareykanka. Waxaana ka mid ah weriyaha wargeyska Wall Street Journal Evan Gershkovich.
Taa baddalkeeda, sideed qof oo Ruush ah ayaa laga sii daayay xabsiyada Mareykanka, Norway, Jarmalka, Poland iyo Slovenia, oo ay ku jiraan shaqsiyaad lagu eedeeyay falal sirdoon.
Isweydaarsiga ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Ankara dalka Turkiga aroornimadii saaka.
Heshiiska ayaa socday in ka badan 18 bilood waxaana ka mid ah dadka la sii daayay Vadim Krasikov oo xabsi daa’in ku qaadanayay xabsi ku yaal dalka Jarmalka tan iyo sanadkii 2019-kii.
Rico Krieger oo ah muwaadin u dhashay dalka Jarmalka oo dil loogu xukumay Belarus kadibna uu cafis u fidiyay hogaamiyaha dalkaas Alexander Lukashenko, iyo Ilya Yashin oo u dhashay dalka Ruushka oo u xirnaa arrimo siyaasadeed ayaa ka mid ah dadka la sii daayay.
Isweydaarsi maxaabiis ee ugu dambeeyay ee maxbuus magac leh ayaa dhacay Diseembar 2022, markaasoo xiddiga Kubadda Koleyga Mareykanka Brittney Griner lagu bedelay ganacsade caan ah oo Ruush ah Viktor Bout, kaasoo ku xirnaa xabsi Mareykan ah 12 sano.
Xiisada u dhaxaysa Moscow iyo reer galbeedka ayaa aad u saraysay sanadihii ugu dambeeyay, gaar ahaan wixii ka dambeeyay weerarkii Ruushka ee Ukraine bishii February 2022.