Ruushka iyo Ukraine oo ku heshiiyey in la joojiyo weerarrada Badda Madow
Mar 25 (Jowhar)-Maraykanka ayaa sheegay in Ruushka iyo Ukraine ayaa ku heshiiyeen in la joojiyo weerarrada militari ee lagu hayo maraakiibta ku sugan badda madow, lana joojiyo weerarada ka dhanka ah kaabayaasha tamarta, kadib wadahadal uu labada dhinac kula yeeshay Sacuudiga.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in heshiiskan uu si degdeg ah u dhaqan galayo, balse Moscow ayaa sheegtay in uu dhaqan geli doono kaliya marka laga qaado qaar ka mid ah cunaqabateynta saaran, kuwaasoo ay ku jiraan kuwa lagu bartilmaameedsanayo bangiyada beeraha ee ay dowladda Ruushku leedahay.
Heshiiskan ayaa u muuqda inuu yahay tallaabadii ugu muhiimsanayd ee loo qaaday xabbad-joojin ballaadhan oo socotay in ka badan saddex sano oo dagaal Ruush iyo Ukraine ah, laakiin si dhakhso ah uma cadda goorta xabbad-joojinta qayb ka ah ay dhaqangeli doonto iyo sida loo dhaqangelin karo.
Zelenskyy ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Kiev ku sheegay in aanu filaynin in Moscow ay ixtiraamto heshiiska.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in dalkiisu aanu aaminsanayn Ukraine, isagoo xusay inay u baahan yihiin dammaanad cad.