Ruushka iyo Ukriane oo wadahadalo uga furmay dalka Sucuudiga

Mar 24(Jowhar)-Wada hadal fool ka fool ah oo xal loogu raadinayo colaadda afar sano jirsatay ee ka socota waddanka Ukraine ayaa maanta dalka Sucuudiga uga furmay waddamada Ruushka iyo Ukraine kuwaas oo ka wada xaajoonaya sidii nabad buuxda loo wada qaadan lahaa.

Wada xaajoodkan oo dawladda Maraykanku gadh wadeen ka tahay ayaa la filayaa in laga gaadho xal nabadeed oo dagaalka lagu soo afjaro iyada oo la raacayo qorshaha madaxweyne Trump ee ku aaddan in si deg deg ah dagaalkan loo joojiyo.

Haddii dhinacyadu arrinkan guul ka gaadhaan, waxa ay ka dhigan tahay in si buuxda loo joojiyey dagaalkii abid ugu xumaa ee tan 1945-kii dhex mara Ruushka iyo waddan ku yaalla qaaradda Yurub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More