Ruushka oo gacanta ku dhigay nin looga shakiyay dilka janaraalkii ilaaladaa nukliyeerka

Dec 18  ( Jowhar) Laamaha amniga dalka Ruushka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigtay nin u dhashay dalka Uzbekistan , kaas oo looga shakisanyahay inuu ka dambeeyay dilki janaraalkii saree e ciidamada ilaaladaa hubka nukliyeerka Ruushka, Igor Killov, iyo ku xiigeenkiisa e lagu dilay qarax lagu dilay magaaladaa Moscow.

Lt Gen Igor Kirillov, madaxa hubka nukliyeerka, iyo ciidamada difaaca kiimikada (NBC), ayaa ku sugnaa dhisme deegaan ah subaxnimadii talaadada markii qalab lagu qariyay mooto lagu qarxiyay meel fog.

Laamaha ammaanka Ruushka ayaa sheegay, in ninka laga shakisanyahay uu u shaqeeynayay sirdoonka Ukraine, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka dowladda Ruushka.

Ilo ka tirsan dalka Ukraine ayaa sheegay talaadadii, in dilka janaraalka iyo ku xiigeenkiisa, uu ahaa mid ay soo agaasimeen laamaha ammaanka ee Ukraine.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More