Ruushka oo Magangalyo Siyaasadeed siiyay Bashar al-Assad

Dec 08 (Jowhar)-Madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad iyo qoyskiisa ayaa gaaray magaalada Moscow caasimada dalka Ruushka,kadib markii ay ka carareen caasimada dalkooda ee Dimishiq.

Wakaalada wararka Ruushka ayaa sheegtay inay la siiyay magangalyo siyaasadeed Baashar al-Assad oo muddo 24 sano ah xukumayay Siiriya,iyadoo u eegeysa arrimo bani’aadantinimo.
Ruushku ayaa waxaa uu ku leeyahay Suuriya saldhigyo milatari taas oo ka dhigtay waddanka saaxiibka muhiimka ah ee Moscow ee gobolka.

Ruushka ayaa sheegay maanta oo Axad ah in uu baaqday kulan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu maanta oo Isniin ah ka yeelan lahaa xaaladda Suuriya.

Ilo xog ogaal ah oo la hadlay warbaahinta dowladda Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in xoogaga mucaaradka ay dammaanad qaadeenammaanka saldhigyada Ruushka ee Suuriya.

Dagaalyahannada fallaagada ayaa gudaha u galay Dimishiq abaarihii 5-tii subaxnimo ee xilliga gudaha dalkaas iyagoon wax iska caabin ah la kulmin, iyagoo si degdeg ah u qabsaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah, dhismaha TV-ga dowladda iyo xarumo kale oo badan oo dowladeed oo istiraatiiji ah.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay isaga baxeen goobihii ay ku sugnaayeen, taasi oo keentay in si fudud ay ula wareegaan kooxaha gadoodsan.

Bashaar Al-Asad ayaa muddo saacado ah la isla dhex marayey halka uu ku sugan yahay, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in uu la socday diyaarad ka baxday caasimadda oo ku burburtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More