RW Xamsa oo Furay Shirka 7-aad ee Madasha Dhaqaalaha Qaranka

Oct 14 (Jowhar)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara. Wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada.

Shirkan wuxuu fursad siinayaa hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, iyadoo lagu dardargelinayo maalgashi iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More