RW Xamze oo mashaariic horumarineed ka dhagax dhigaya Laascaanood
Apr 13(Jowhar)Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo xalay ku hoyday magaalada Laascaanood ayaa maanta SSC khaatumo ka dhagax Dhigaya mashaariic horumarineed oo muhiim u ah horumarka degaanka.
Sida xafiiska Xamze uu shaaciyay, mashaariicdan waxay qayb ka yihiin qorshaha Safarka Ra’iisul Wasaaruhu ku joogo magaalada Laascaanood oo laba cisho ah.
Tilaabooyinkan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda dhexe uga dagsan maamulka SSC Khaatumo oo dowladda ay dooneyso iney gaarsiiso adeegyada muhiimka ah.
Si kastaba, madaxweyne Xasan ahaa shalay Turkiga ka sheegay fariin gunteedu eheyd in Xamze uusan Laascaanood utagin aqoonsi siinta maamulkaasi, balse u tagay raadin xal si la isu dhaafsado maxaabiista ah kala heystaan Somaliland iyo SSC Khaatumo oo dagaalo hore dhexmareen.