RW Xamze oo shaaciyay halka laga bilaabayo qabsoomida doorasho qof iyo cod ah

Oct 17 (Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre, oo ka qayb galay bandhigga wax-qabadka  maamulka Gobolka Banaadir ee 2023-2024, ayaa sheegay in maamulku uu xaqiijiyey labadii sano ee la soo dhaafay guulo waaweyn oo dhinacyada amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay sidii bulshada caasimadda ku dhaqan u heli lahaayeen maamul ay iyagu soo doorteen, isla markaana ay horseed u noqonayaan sidii maamullada kale ee dalkuna hoggaankooda u soo dooran lahaayeen.

Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in caasimaddu ay lafdhabar u tahay dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed, sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in masuuliyadda gaara ah la iska saaro sidii ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee dhiggeeda ah, isaga oo ku bogaadiyey maamulka Gobalka Banaadir horumarka ay ka sameeyeen dib u dhiska, bilicda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More