Rw Xamze oo shaaciyay laba qodob oo adag ay Itoobiya dooneyso iney Badda ku qaadato

Sep 10 (Jowhar) Wasiirka Koowaad ee xukuumadda Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa maanta mar kale si kulul uga hadoay xiisadda Badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo wali aan xal loo helin.

Mr. Xamze ayaa sheegay in ay Itoobiya doonayso labo jid midkood in ay xoog ku qaadato Badda Soomaaliya ama in loo hirgaliyo damacoodii MOU-ga ay lagaleen Somaliland, xaalkuna halkaas marayo.

“Itoobiya waxay rabtaa in sidii ay u saxiixatay MOU-ga loogu daayo ama ay xoog ku qaadato, taas wax aan hayno majirto Itoobiyana halkaas ayay taagan tahay” ayuu yiri RW Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa si xoogan u dhaliilay odayaal iyo Siyaasiin uu sheegay in ay bulshada iska horkeenayaan, in dalka la difaaco ayuu sheegay in ay waajibka 1-aad tahay.

Wufuud heer Wasiiro ah oo ka kala

socda dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa todobaadka danbe markii 3aad wadahadalo ku leh Ankara, iyadoo wadahadalkan haduu fashilmo ay u muuqaneyso in xal loo waayo xiisadda Badda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More