RW Xamze oo weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Jubaland
Nov 18 (Jowhar)-Ra’iisuo wasaare Xamze Cabdi Barre ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.
Xamze ayaa sheegay in Hanaanka doorasho ee kasocdaa Jubbaland uu yahay mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin, wuxuuna ku eedeeyey MW Jubbaland in uu fulinayo dan aan aheyn tii Soomaaliyeed, oo uu ka baxay dhammaan heshiisyadii uu saxiixay, isagoo kusifeeyey is doorasho in aan la aqbali karin.
RW Xamse ayaa sheegay in MW Jubbaland aysan u furneyn dib u tartanka madaxtinimada JL, oo uusan sharciyad haysan, xaqna u laheyn in uu doorasho maamulo, maadaama qodobka 70-aad ee dastuurka JL uu dhigayo in uusan 2 jeer ka badan xilka qaban karin.
“Axmed Madoobe mahaysto wax sharciyad ah iyo wax mandate oo uu ku maamulo doorashada JL, waa sharci darro, waxa ka dhashana waxaa sharci darro, Hal xaaraan ah ma dhasho nirig xalaal ah” ayuu yiri RW Xamse.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa ugu yeeray ciidamada Jubaland in aysan qeyb ka noqon arrimaha siyaasadda ee hadda taagan, wuxuuna uga digay dhinaca madaxweynaha Jubbaland in uu ciidamada u adeegsado arrimaha siyaasadda.
“Walaalkay waxaan ugu baaqayaa in uusan ciidamada u adeegsan arrimaha siyaasadda, waana dambi aan lays kaga hari doonin haddii uu qaado, waxayna keeni doontaa in ay ciidanka JL burburaan” ayuu yiri RW Xamse.