Saadaq Joon oo loo magacaabay taliye kuxigeenka hay’ada NISA

Dec 16  ( Jowhar) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Saadaq Joon u magacaabay xilka taliye kuxigeenka hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA kadib wadatashiyo arrintaasi ku saabsan oo maalmahan ka socday magaalada Muqdisho.

Sida wararku tilmaamayaan, madaxweyne Xasan oo shalay galab ilaa xalay kulamo aan loo kala kicin la lagaa Saadaq Joon oo sidoo kale mudane baarlamaan ah ayaa soo dadajisay in maanta xilkaasi lasiiyo, walow uu quudareynayay xilka taliyaha NISA.

Magacaabista kadib, Saadaq Joon ayaa maanta safar deg deg ah ugu baxay dalka Jabuuti, iyadoo aan la ogeyn sababta soo dadajisay safarkann, walow uu qoys u dagan yahay halkaasi.

Saadaq ayaa kamid ahaa dadkii wax ka waday ololihii uu xilka madaxtinimo ugu guuleystay madaxweyne Xasan bishii May ee sanadii 2022.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More