Saciid Deni;”Puntland waxa ay diyaar u tahay in meel fagaare ah lagu hadlo”
Sep 23 (Jowhar)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ku dhawaaqay in Puntland ay diyaar u tahay wada hadal, ayna dood adag qabto oo ay rabto in lagu falanqeeyo meel fagaare ah, garsoorayaalna ay ka noqdaan dadka Soomaaliyeed.
Wuxuu xusay in haddii ay Puntland khaldan tahay laga qanciyo, iyo haddii ay saxan tahay laga garaabo mowqifkeeda.
“Wadahadal ayaan diyaar u nahay, oo weliba meel fagaaro ah oo aan qarsoodi lahayn lagu wada hadlo, haddaan qaldanahayna hanala qabto”ayuu yiri Madaxweyne Deni
Waxaa uu tilmaamay in Puntland diyaar u tahay in ay maalgeliso wadahadalladaas.
“Odayaal aan arkay waxaa u sheegay in Puntland ay diyaar tahay doodna ay qabto, waliba ay jeceshay in meel fagaare ah lagu wada hadlo, qol qarsoodi ah aanu aheyn, haddaan khaldanahay in nala qabto, haddaan sax sannahay in nala ayido”ayuu hadalkiisii ku sii daray Saciid Deni.
Wuxuu ka digay in haddii aan xaaladda wax laga qaban in Soomaaliya lagu kala tagi karo, isaga oo tusaale ahaan u soo qaatay Somaliland.
“Waa khatar kale oo soo korortay in qeyb ka mid ah bulshada ay qeybta kale Soomaalinimada ka saareyso”ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Hadalkan ayuu Madaxweyne Deni ka sheegay munaasabad casho sharaf ah oo uu u sameeyay ka qeyb galayaasha Shir Sanadeedka Nabadda ee PDRC.