Saddex qof oo lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Gaarisa.
Dec. 22 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo ka dhacay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.
Weerarkan oo loo maleynayo iney geysteen xubno Shabaab ah ayaa ahaa qarax culus oo ay la eegteen gaari ay wateen ciidan boolis ah, waxaana ku geeriyooday laba askari iyo qof shacab ah oo Haweeney ah, sida warbaahinta maxaliga ah ay qorayaan.
Ciidamadda la qarxiyay ayaa ilaalo ka hayay dhismaha wadada tareenka ee ka soo bilaabatay Laamu, taasoo toos u tageysa Itoobiya, waxeyna dhexmareysaa magaalada Gaarisa.
Shirkad Shiineys ah ayaa dhiseysa wadadan, iyadoo cabsi xooggan ay la soo daristay shaqaalaha dhismaha wadadan, waxaana isa soo taraya weerarada ay dableyda Shabaabka u geysanayaan dadka ku howlan dhismaha wadadan.