Saddexdii Degmo ee hadhsanaa doorooshooyinkii Dawlaha Hoose ee Puntland oo maanta dhacaya
Jul 23 (Jowhar.com)-Saaka waxaa shacabka degmooyinka Garoowe, Godob jiraan iyo Dangoroyo ee Gobolka Nugaal ay taagan yihiin safafka doorashada ka dhacaysa saddexdaasi degmo oo ay doorayaan goloyaasha deegaanka, saddexdan dagmo ayeysan horrey uga dhicin doorashadu ka dib khilaaf ka dhashay qabsoomideeda sanadkii hore.
Waxaa markii hore la qorsheeyey in doorashada ay ka dhacdo 37 degmo oo ka tirsan Puntland. Balse degmooyinkan ayaanay xilligaas ka dhicin.
Khilaafka ay u baaqdeen ayaa Sababtu ahayd in xilligaas agabka doorashada uu gacanta u galay dad cadhaysan oo burburiyey iyo meelaha qaar oo khilaaf siyaasadeed uu ka jiray, ciidamana ay isku hor fadhiyeen xilligaas deegamadaas.Arrintan ayaana u eeg mid xallisantay, tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Deni.
Dadka deegaamadan ayaa markii u horreysay gelaya doorasho qof iyo cod ah.