Safiirada Mareykanka iyo Ingiriiska oo cadaadis Diblomaasiyadeed saaraya Madaxweyne Xasan
Mar 29(Jowhar) Ilo diblomaasiyadeed oo lagu kalsoon yahay ayaa inio xaqiijiyey in safiirrada Mareykanka iyo Ingiriiska ay shalay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ku boorriyey in la furo saaxadda siyaasadeed, lana sameeyo Ajande qaran oo mideysan oo ku aadan la dagaalanka argagixisada iyo xalinta arrimaha siyaasadda gudaha.
Kulanka oo dhacay shalay markii Madaxweynhu safar hal cisho qaatay kaga soo laabtay dalka Turkiga ayaa sidoo kale loogu arrimaha amniga iyo siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka in loo helo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, kana tarjumaya xaqiiqada siyaasadeed ee dalka.
Diblomaasiyiinta ayaa sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo bilaabo wadahadal siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhinacyada kale ee saamileyda siyaasadda sida Puntland iyo Jubbaland, iyaga oo ka digay in khilaafka oo sii xoogeysta inuu wiiqi karo midnimada dalka.
Lama oga weli sida Villa Soomaaliya uga jawaabi doonto tallooyinka adag ee safiirradu jeediyeen, iyadoo Madaxtooyadu horay u muujisay diidmo la xiriirta tallooyinka noocan oo kale ah oo ka imaanayey mucaaradka gudaha.