Safiirka cusub ee Itoobiya oo soo gaaray magaalada Muqdisho
Mar. 13 (Jowhar.com)-Dowladda Itoobiya ayaa safiir cusub usoo magacaabatay Soomaaliya, kaasoo bedelaya safiirkii hore ee dowladaasi oo dhawaan la bedelay.
Danjire Mukhtar Mohamed Ware oo soo gaaray magaalada caasimadd ah ee Muqdisho ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse, kaasoo ka gudoomay nuqul kamid ah warqadihiisa ssfiirnimo.
“Waxaan nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Ethiopia H.E Mukhtar Mohamed Ware” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo qoraal soo saaray.
Wasiirka ayaa sheegay in xiriir dhanka dadka ah iyo Iskaashi dhinacyada Ammaanka, Socdaalka, ganacsiga iyo Diblumaasiyadda caalamiga ah uu u dhexeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya.
“Dalka Ethiopia waxaan wadaagnaa xudduudda ugu dheer ee aynu la leenahay dalalka deriska ah, waxaana nagala dhaxeeya xiriir dhanka dadka ah iyo Iskaashi dhinacyada Ammaanka, Socdaalka, ganacsiga iyo Diblumaasiyadda caalamiga ah.
Waxaan rajaynayaa in danjiraha cusubi sii xoojiyo xiriirka wanaagsan ee labada dal”ayuu ku yiri Qoraalkiisa.
Danjire Mukhtar Mohamed Ware ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo u tago madaxweyne Xasan si uu warqadihiisa safiirnimo uga gudoomo, si shaqada uu toos uga bilaabo, sida qorshaha yahay.
Si kastaba, dowladaha Qatar iyo Itoobiya oo xiriir dhow la lahaa maamulkii hore ee madaxweyne Farmajao ayaa bedelay safiiradoodii Soomaaliya iyagoo soo magacaabay kuwo cusub, taasoo lagu micneeyay la jaanqaadida isbedelkii dhacay 15-kii May 2022 ee uu xukunka kula wareegay madaxweyne Xasan.