Safiirka Denmark oo cadeeyay mowqifkiisa madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya

Nov 20  (Jowhar) Safiirka Denmark ee Soomaaliya ayaa caddeeyay in uu aqoonsan yahay madaxbannaanimada dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya oo ay qeyb ka tahay Somaliland.

Hadalka Safiirka ayaa ah mid uu uga garaabayo dhaliil ka dhalatay war uu dhawaan ka sheegay magaalada Hargeysa, xilli uu ka qaybgalayay doorashada Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor Safiirka Denmark ugu yeertay kulan si ay wax uga weydiiso hadal uu sheegay oo ay ku tilmaantay mid ka soo horjeeda mabaadii’da guud ee dhowrista madaxbannaanimada dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More