Safiirka Falastiin oo la kulmay gudoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe
Feb 03 (Jowhar) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dowladda Falastiin usoo magacowday Soomaaliya Danjire Rowaid Adil Mohamed.
Kulanka oo looga hadlay xoojinta xiriirka labada wadan ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka waxa uu safiirka kusoo dhoweeyay Dalka sidoo kalena waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay diyaar u yihiin garab istaaga walaalaha Falastiin.
Safiirka Falastiin ayaa gudoomiyaha warbixin buuxda kasiiyay xaaladda wadanka Falastiin iyo dadaalada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel, xili xujuunadda dhexe ay cadeysay iney si buuxda u taageereyso madaxbanaanida dhuleed ee Falastiin.
Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa Danjire Rowaid Adil Mohamed u balanqaaday iney sii wadi doonaan taageerada iyo garab-istaaga shacabka Falastiin.