Salaam Somali Bank oo qeyb cusub ka furay Juba Hypermarket oo ku yaala isgoyska Juba ee Muqdisho
Apr. 18 (Jowhar.com)-Bangiga Salaam Somali Bank ayaa qeyb cusub waxa uu ka daah furay xarunta ganacsi ee Juba Hypermarket oo ku taala isgoyska Juba ee magaalada Muqdisho.
Qeybtan ayaa loogu talagalay in bulshada kunool degmooyinka ku xeeran isgoyska Juba ay Ka faaideestaan iyaga oo kamaarmaya in meelo fog ay u soo doontaan adeegyada Bangiga Salaam Somali Bank.
Waxaa sidoo kale loogu tala galay bulshada u soo dukaameysita Juba Hypermarket in iyaguna ay si fudud u helaan adeegyada Bangiga Salaam Somali Bank
Cabdifataax Maxamed Odowaa Madaxa qeybtan Cusub ayaa sheegay in faracan cusub uu qeyb ka yahay daadajinta adeegyada Salaam Somali Bank isaga oo tilmaamay in macaamiishu ay ka heli doonaan dhamaan adeegyada Bangiga.
Waxa uu tilmaamay in sharaf weyn ay u tahay in xarun cusub ay ka hirgaliyaan isgoyska Juba isaga oo tilmaamay in macaamiishooda ay ka heli karaan dhamaan adeegyada ay u baahanyihiin,
Cabdifataaax ayaa sheegay in ay ugu tala galeen macaamiisha ka dukaameesaneysa Juba Hypermarket iyo bulshada ku nool nawaaxiga isgoyska Juba.
Isaga oo haadalkiisa sii wata ayuu sheegay in daraasad ay sameeyeen ay ku ogaadeen in macaamiil badan oo ku nool degmooyinka ku hareereesan meela fog fog iyo degmooyin kale aay u aadaan adeegyadaa Bangiga islamarkaana loo baahday in macaamiisha loo dhaweeyo adeegyada bangiga isaga oo gacmo furan ku soo dhaweeyay macaamiisha iyo bulshada ku nool isgoyska Juba iyo degmooyinka ku xeeran.
Qaar kamid ah bulshada ku nool isgoyska Juba ee Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay qeybtan cusub ee bangigu ka furay Juba HyperMarket .
Bangiga Salaam Soomaali Bank ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa uu balaarinayay qeybaha bangiga ee gobolka Banaadir si macaamiisha bangiga aysan waqti badan uga bixin helida adeegyada bangigu uu bixiyo.