Sanbaloolshe oo tagay goobtii saaka lagu laayay askar ka tirsan Ciidanka NISA

Aug 21(Jowhar)-Taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa goordhow gaaray Xaafada Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, kaddib markii halkaas ciidanka Nabadsugida ku fashiliyeen labo gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyay oo la doonayay in la soo geliyo Muqdisho.

Ciidanka Amniga oo ka war helay baabuurtaas ayaa ku guuleystay in mid ka mid ah la qarxiyo, halka mid kale oo qof naftii halige ah uu waday askari ka tirsan Ciidanka oo gaari uu watay kala-hortagay ka hor inta aanu gaariga soo gaarin barta koontarool ee ciidanka ku sugan yihiin.

QAraxaasi waxaa ku dhintay Lix askari oo ilaalo u ahaa taliyaha NAbad Sugida qeybta Galbeed Lugadheere.

Ciidamada Amniga ayaa adkeeyay amniga duleedyada Muqdisho oo ay argagixisada doonayaan in gawaari qaraxyo ay ku soo rareen soo geliyaan gudaha Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More