Sarkaal boolis ah oo lagu dilay magaalada Dhuusa-mareeb
Dec 24 ( Jowhar) Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil magaalada Dhuusa-mareeb liigu geystay Hassan Quuri oo ahaa Labo xidigle ka tirsan Booliska Galmudug, xiliyo kala duwanna soo noqday Taliye Kuxigeenka Booliiska Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.
Nin la sheegay in uu hubeysnaa ayaa xabad kaga dhuftay wadnaha xili uu ku sugnaa Xaafada Horseed, meel aan ka fogeyn Isbitaalka weyn, waxaana sidoo kale dhaawac ah gabar sarkaalku la joogay xiligaasi.
Ciidamadda Booliiska ayaa ku raad jooga ruuxa falkan geystay oo tan iyo xiligii dhacdadu dhacdey waxaa socda howlgal lagu soo qabanayo dambiilahaasi.
Lama oga sababta rasmuga ah ee falkan ka danbeysa, balae warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in ninka falkan geystay uu xiriir kala dhexeeyay gabadha sarkaalka la joogtay ee iyaduna dhaawaca ag.