Sarkaal ciidan oo lagu dilay qarax ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Sanaag

Feb. 05 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax khasaare sababay oo ka dhacay meel u dhow tuulada deegaanka Ceelaayo oo ka tirsan gobolka Sanaag, qiyaastii 30km-na u jirta magaalada Boosaaso.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa lala eegtay gaari uu watay sarkaal hoggaamiya ciidan deegaanka ah oo u istaagay in koxoda Shabaab ay ka saaraan gobolka Sanaag.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tilmaamaya in qaraxa lagu dilay Cabdirashiid Cali Xiiray “Abeesa Dhuuni” oo ahaa sarkaalka ciidan ee la beegsaday, waxaa la geeriyooday hal askari oo ilaalinayay, halka dad kale dhaawacyo ka soo gaareen.

Kooxsa Shabaab ayaa durba sheegatay mas’uuliyada weerarkan, sida ay ku faafiyeen qoraal lagu baahiyay warbaahinta kooxda taageerta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More