Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu dilay qarax loogu xiray sariirtii uu jiifay

Feb. 18 (Jowhar.com-Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax Miino lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamadda xoogga dalka ee ku sugan degmada Beeldxaawo ee dhacda xadka Kenya.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Dhamme Maxamed Aweys ayaa ahaa taliyihii ururka 28-aad ee ciidamada xoogga dalka, isagoo sidoo kale saaxiib dhow la ahaa taliyihii NISA ee Gedo Bakaal Kooke oo sanadkii hore dhamaadkiisa isaguna qarax lagu dilay.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in sarkaalkan qaraxa Miino ee lagu dilay loogu xiray sariirtii uu ku jiifay oo taalay xeradii ay baneeyeen ciidamadda Gorgor oo sarkaalkan la dilay haatan madax ka ahaa.

Lama oga cida qaraxa geysay xerada oo amaankeeda aad loo ilaaliyo, iyadoo shacabka aaney u dhawaan kain xerada, taasoo ay sii dheer tahay in magaalada Bandow ku jirto maalmahan.

Kooxda Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, iyadoo war lagu daabacay warbaahintooda lagu sheegay in howlgalkan uu u dhacay sidii ay ugu talagaleen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More