Sarkaal ka tirsan ciidanka Haramcad oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Oct 20 (Jowhar)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil magaalada Muqdusho loogu geystay sarkaal ka tirsan ciidanka booliska, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Dilka oo ka dhacay xaafadda Macalin Nuur ee degmada Dharkiinley ayaa ka sheegay in loo geystay Laba xidigle Hanad Ahmed Muuse (Suldaan Hanad) oo Kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Haramcad.

Ciidan kale oo dowladeed ayaa lagu soo warranayaa iney ka danbeeyaan dilka sarkaalkan oo loogu geystay hoygiisa.

Lama oga waxyaabaha uu salka ku hayo dilkan, iyadoo ay socdaan baaritaano la xiriirta sida falka uu u dhacay.

Marxuumka la dilay Hanad waxa uu dalka Kusoo laabtay Bishii hore isaga oo soo dhameeyay Heerka labaad ee waxbarashada, Kuna soo qaatay dalka Turkiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More