Sarkaal ka tirsan ciidanka Jubaland oo la shaqeynayay Shabaab oo maxkamad lasoo taagay

Jan 28 (Jowhar)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada Culus ee maamulka Jubbaland ayaa u fariisatay dhageysiga kiis uu eedeysane yahay Mukhtaar Cabdi Aadan ( Hoobiye ) oo ahaa sargaal ka tirsan Ciidamada Jubbaland isla markaana loo heysta la shaqeynta Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa furay Fadhiga Maxkamada asagoo sheegay in dhinacyada Dacwada ay u furan tahay soo bandhigista Dacwadooda ku aadan eeda loo heysto Mukhtaar Cabdi Aadan.

Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxkamada ka hor aqriyay kiiska ay ku eedeynayaan Mukhtaar Cabdi Aadan (Hoobiye) asagoo sheegay in eedeysanaha la shaqeynta Khawaarijta uu bilaabay Sanadka 2021-kii Waxa uuna u qaabilsanaa gudbinta xogaha Ciidamada Qalabka sida ee Jubaland sida barista kiiskaan ay ku ogaadeen Xafiiska Dambi barista iyo Ciidamada qaaska ah ee Jubbaland oo iska kaashaday baarista kiiska eedeysane Mukhtaar Cabdi Aadan.

Intaas kadib, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa eedeysanaha weydiiyay kiiska uu kusoo oogay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, isagoo sheegay in mar kale Maxkamaddu ay fadhi ka yeelan doonto eedeysanaha Mukhtaar Cabdi Aadan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More