Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland oo lagu dilay magaalada Garoowe

Mar. 26 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa toogasho magaalada Garoowe loogu geystay sarkaal ka tirsan ciidamadda maamulka Puntland.

Sida wararku sheegayaan, nin hubeysan ayaa toogtay taliyihii saldhiga Galbeed ee caasimada Garowe, laba xidigle Axmed Cali Shire iyadoo uu marxuumku geeriyooday.

Booliska magaalada Garoowe ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in ay gacanta kusoo dhigeen eedeysanaha falka gaystay oo la sheegay inuu ahaa nin maandooriye isticmaalay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa dilka sarkaalkan, balse marxuumka ayaa kamid ahaa saraakiil wax ka hoggaamineysay howlgal lagula dagaalamayay kooxo burcad ah oo maandooriye isticmaasha oo caasimadda Puntland kusoo batay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More