Sarkaal Shabaab ah oo lagu dilay howlgal laga sameeyay gobolka Galgaduud
Jan. 26 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Shiikh Cabdullaahi ee degmada Ceeldheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Sida wararku sheegayaan, howlgalkan oo ay qeyb ka ahaayeen maleeshiyada deegaanka ayaa lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida saraakiisha xoogga dalka ay sheegeen.
Sarkaal lagu magacaabo Cabdifitaax Xasan Gaafow oo kamid ahaa horjoogayaasha Shabaab ayaa kamid ah dadka lagu dilay howlgalkan, waxaana lagu sheegay inuu qeyb ka ahaa kuwa sida aadka ah u dhibayay shacabka deegaanka.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Alshabaab weerarkan looga furtay hub iyo saanad ciidan oo kale. Waxaana looga daba tagay howdka si looga hortago inay sameeyaan is aruursi ay mar kale duulaan kusoo qaadi karaan.
Daauud gacameey oo kamid ah saraakiisha ciidamadda ayaa sheegay intii uu howlgalkan uu socday inay ciidamadu xoreeyeen illaa dhowr tuulo oo hoos yimaada degmada Ceeldheere ee dhawaan la xoreeyay, wuxuuna sheegay inay ciidamadu ku raad joogaan Shabaabkii u cararay dhinaca howdka