Munaasabad lagu xusayay todobaadka xoriyada dalka Qatar oo Muqdishi lagu qabtay.

Dec. 13 (Jowhar.com)-Munaasabadda oo ay soo agaasintay safaarada Qatar ee Soomaaliya waxaa ka qeyb galay ra’iisul wasaaraha dalka Xamze Cabdi Barre, xildhibaano, wasiiro, Diblomaasiyiin, saraakiil ciidan iyo qeybaha kale ee bulshada.

Safiirka cusub ee dalka Qatar ayaa ugu horeyn furay xaflada, isagoo ku dheeraaday taariikhda dalkaasi iyo halganka ay usoo mareen xoriyadooda, wuxuu dadkii madasha joogay ku amaanay ajiibida casuumaadii loo sameeyay.

Amb.Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa dhinaca kale ku dheeraaday ka hadalka xiriirka xukuumadaha Muqdisho iyo Doxa, isagoo balan qaaday iney kaalin ka ciyaari doonaan sidii loo horumarin kahaa dalkan, kaalinna looga geysan lahaa caawinta dadka abaaruhu saameeyeen.

“Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar waa mid ku dhisan Walaalnimo, siyaasad, dhaqaale iyo iskaashi, waxa aan u taaganahay in aan xoojino cilaaqaadka iyo danaha labada shacab ee walaalaha ah.” ayuu yiri safiirka.

Ra’iisul wasaraaha dalka Xamze Cabdi Barre oo khudbad ku baxeysah Luuqada Carabiga madasha ka jeediyay ayaa ugu hanbalyeeyay shacabla reer Qatar todobaadkooda xoriyada, wuxuuna amaanay hormarka uu dalkaasi tiigsanayo, isagoo balan qaaday iney wanaajiyaan xiriirka labada dowladod.

Si kastaba, 18-ka bishan ayaa ah maalin qaranka Qatar ee ay xoriyada qaateen, waxeyna sanadan maalintaasi kusoo aaday xiliga ay dhaceyso ciyaarta Finalka ee koobka Adduunka oo sanadan ay marti gelisay dowladda Qatar.

Qatar ayaa bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo, halka la dhammeystiray dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More