Sh Shariif iyo CC Warsame oo warbaahinta isugu yeeray iyo go’aani culus oo…..

Nov 16  (Jowhar)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheikh Axmed iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa goordhow shir jaraa’id ku qabanaya Muqdisho, kaasoo Warbaahinta looga yeeray.

Hoggaamiyaashan Mucaaradka, kana tirsan Golaha Shacabka ayaa shirkooda jaraa’id ku saabsan yahay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo falcelinta ansixintii maanta ee Xildhibaannada labada Aqal BFS ee Xeerka Dhisidda Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

Si kastaba, Xildhibaannada labada Aqal ee BFS ayaa maanta ansixiyay Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha. Waxaana ansixiyay 173 Xildhibaan.

Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha ayaa waajibaadkiisu yahay xil gudashada iyo madax bannaanida guddiga doorashooyinka Qaranka, waxaana mas’uuliyadiisu tahay hirgelinta doorashooyinka heerarka kala duwan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, qabashada Aftida Dadweynaha iyo asteynta sohdimaha dalka, iyagoo raacaya Siyaasadaha iyo xeerarka dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More