Sh Shariif, Khayre iyo CC Warsame oo qaadacay guddiga doorashada iyo xeerarka doorashooyinka
Dec 04 ( Jowhar) War-murtiyeed ay soo saareen Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayay ku qaadaceen guddiga doorashooyinka iyo xeerarka doorashada ee uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa ku tilmaameen talaabooyinkaas kuwo baal marsan dastuurkii la isku raacsanaa.
Waxay sheegeen in tallaabooyinkan horseedi karaan khilaaf siyaasadeed, xasillooni darro amni, iyo muddo kororsi aan dhammaad lahayn.
Sidoo kale, waxay uga digeen saamilayda siyaasadda iyo shacabka inay ku kadsoomaan hannaanka cusub, iyagoo ku baaqay wadahadal loo dhan yahay oo lagu dhisayo nidaam daahfuran oo lagu salaynayo dastuurkii saxda ahaa.