Sh shariif, Khayre iyo CC Warsame oo taageeray dagaalka ka dhanka ah Daacish iyo Shabaab

Mar 05(Jowhar)-War saxaafadeed si wadajir ah u soo saareen Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur waxay ku sheegeen inay si buuxda u garab taagan yihiin Ciidanka Xoogga dalka, Daraawiishta iyo halgamayaasha deegaanka ee dagaalka kula jira Argagixisada Daacish iyo Shabaab.

War saxaafadeedka ayay ku caddeeyeen in lagama maarmaan ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo dagaalka lagula jiro khawaarijta, degdegna wax looga qabto sababaha keenay inay maanta duulaan yihiin argagixisadii sanad ka hor ay baacsanayeen halgamayaasha deegaanka, dibna u qabsadaan qaar ka mid ah deegaanadi horay looga xorreeyay.

“La dagaalanka Argagixisada waa Ajande Qaran waxaana lagu xaqiijin karaa wadajir, Midnimo Qaran iyo siyaasad loo dhan yahay. Waxaan Madaxweynaha ugu baaqeynaa inuu la yimaado istiraatiijiyad iyo qorshe lagu sameynayo abaabul Qaran oo dalka looga ciribtirayo khawaarijta, dhexdaba dhigo talada dalka, xalna laga gaaro khilaafka siyaasadeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More