Sh Shariif, Khayre iyo CC Warsame oo taageeray talaabada uu qaaday Axmed Madoobe

Oct 07 (Jowhar)-War saxaafadeed si wadajir usoo saareen Madaxweynihii horr Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa waxay ku boggaadiyeen mowqifka Madaxweynaha Jubbaland uu kaga baxay shirka GWQ.

Sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada inay wadajir u doonaan Puntland oo shirka ka maqan.

Madaxdan ayaa waxay uga digeen Madaxweyne Xasan Sheekh muddo kordhinta uu ku qasbayo Madaxda dowlad Goboleedyada waqtigooda dhammaaday iyo damaciisa muddo kororsiga.

Si kastaba, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa saaka isaga dhoofay magaalada Muqdisho, halkaasoo aanu wali lagu soo xirin shirkii Golaha Wadatashiga Qarab oo u muuqda inuu natiijo la’aan kusoo dhamaaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More