Shabaab oo qaraxyo ku guubay suuqyadii waaweynaa ee Ceelasha Biyaha

Aug 25(Jowhar)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo xooggan oo xalay lala beegsaday suuqyadii ugu weynaa deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Suuqyqda la qarxiyay oo lagu magacaabo Safa iyo Marwa ayaa iyaga oo dhan bas beelay, iyadoo khasaaraha ugu xoogganna ui gaaray ganacsiyadii halkaasi ku yiilay.

Arrintan ayaa loo aaneenayaa iney daba socoto amar kasoo baxay dowladda oo ahaa in suuqyqdaasi Kaamirooyin lagu xiro, si amniga loogala socdo.

Qaar kamid ah gabacsatada suuqa ayaa sheegay in amarka dowladda uu ahaa mid khaldan, maadaama gudaha suuqa aysan isku aamini karin xitaa laba askari oo ciidanka dowladda ah iney gudaha usoo gasho.

Ganacsatada ayaa warkooda intaasi kusoo daraya iney amniyaadka Shabaab ay suuqa si caadi ah isaga yimaadaan, askarta dowladana aysan saldhigyadooda soo dhaafin.

Waxaa xalay adkaatay in gaadiidka dab damiska ah ui suuqaasi si fudud ku gaaro, taasoo keentay in dabka la xalameyn waayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More