Shabaab oo saddex ganacsato ah ku dishay magaalada Muqdisho

Oct 16 (Jowhar)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar koox Shabaab ah ay saaka ka fulisay xaafadda  Soona-key degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda falkan geysatay oo ku hubeysnaa Bistooladi ag toogteen ganacsatadan, iyadoo laba kamid ah ay isla goobta ku geeroyoodeen halka midka saddexaad uu isbitaalka loola cararay ku geeriyooday.

Beegsiga ganacsatadan ayaa salka ku heysa Kaamirooyinka ay ku xirteen goobohooda ganacsi, iyagoo fulinaya amarka dowladda.

Ciidamadda amaanka ayaa ku fashilmay iney gacanta kusoo dhigaan  danbiilayaashii falkan dilka ah geystay, kuwaasoo weerarka kadib goobta isaga baxsaday.

Inta badan ganacsatada ayaa u hoggaansamay amarka dowladda, laakiin waxa ay u noqdeen dhibanayaal, maadaama ay beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More