Shacabka degmada Shangaani oo u dareeray goobaha isdiiwaan gelinta doorashada qof & cod-ka

Apr 15(Jowhar)Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka bilaabatay diiwaangalinta codbixiyayaasha oo ah tallaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd billaabashada doorashada Qof iyo Cod ee golayaasha deegaanka.

Degmada Shangaani ayaa noqotay degmadii u horreysay ee saaka lagu daahfuro is diiwaangalinta codbixiyayaasha, waxaana safar dhaadheer u galay dadweyne fara badan oo la yimid xaafadaha Shingaani, dadkiinis diiwaangelinaya waxay isugu jiraan la shacabka degmada, maamulka iyo mas’uuliyiin badan oo degmada ku nool.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa noqday mas’uulkii u horreeyay oo maanta is-diiwaangeliyay, si u qaato kaarka codbixiyeyaasha.

Degmooyinka kale ee gobalka Banaadir ayaa iyaguna maalmaha soo socda martigelin doona is diiwaangalinta oo soconaysa illaa laga gaaro maalinta codbixinta doorashada.

Sida ku cad xeerarka doorashada, waxaa la qorsheynayaa in ay doorashada golayaasha deegaanka ka qabsoomaan Banaadir/SSC Khaatumo, Hirshabeelle, Koofurgalbeed iyo Galmudug, iyadoo maamulka Juballand oo billowgii heshiisyadan qeyb ka ahaa uu mar dambe isaga baxay kaddib khilaaf siyaasadeed oo doorashada iyo hannaankeeda ka dhashay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More