Shacabka ku nool deegaanka Madax-Gesi oo ka cabanaya Alshabaab
Aug 22 (Jowhar)-Shacabka ku nool deegaano ka xiga dhinaca galbeed degmada Jowhar ayaa cabasho ka muujiyay dhibaatooyin ay ku hayaan kooxda Alshabaab.
Mid ka mid ah duqeyda ku nool deegaanka Madaxgesi oo sababo amaan awgeed u qariyay magaciisa ayaa u sheegay weriye ka tirsan Jowhar.com in kooxda Alshabaab ay dhibaato ku hayaan shacabka iyagoo lacago baad ah ka qaada isla markaana ku qasba dhalinyarada inay ku biiraan ururkooda.
Waxaa uu sheegay ninkan in maalinta Arbacada oo ah maalin suuq ah ay kooxda Alshabaab, lacago badan oo canshuur ah ka qaadaan ganacsatada, iyadoo maalintaas isaga kala yimaada tuulooyinka iyo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Sh/dhexe iyo caasimadaba.
Waxa uu odaygan sheegay in ay joogaan maleeshiyaadka Alshabaab deegaanka Madax Gesi ayna maamulaan iyadoo dadka ku nool ay yihiin dad xoolo dhaqato iyo beeralay isugu jira.
Odaygan diiday in uu magaciisa sheego ayaa sidoo kale ka hadlay in kooxda Alshabaab ay saameyn ku leeyihiin tuulooyin badan oo u dhexeeya deegaanka Madax-Gesi iyo magaalada Jowhar.
Waxa uu xusay in taleefano ay u diraan qoysaska deegaanadaas degen ayna ka dalbaan inay zako ka bixiyaan xoolaha iyo miraha uga soo go’oa beeraha.
“Sidoo kale waxa ay ku qasbaan dadka ku nool tuulooyinka in waalidiinta ay carruurtooda ku daraan Alshabaab taasoo sababtay in carruur badan ay ka qaxaan guryahooda.”ayuu yirin odaygan degen tuulada MadaxGesi.
Ugu dambeyntii odaygan ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle inay u soo gurmadaan oo ay shacabka ku nool Madax Gesi ka badbaadiyaan kooxda Alshabaab.
Waxaan la xiriirnay maamulka degmada Jowhar oo deegaankan hoostaga hase yeeshee waa diiday maamulka inuu ka hadlo dhibaatooyinka ay sheeganayaan shacabka degen deegaanada ku yaal galbeedka gobolka Sh/dhexe.
Kooxda Alshabaab ayaa sidoo kale fariisimo ku leh deegaanada Jiliyaale,Gamboole iyo Shaw.