Shan Oday dhaqameed oo u afduubnaa Shabaab oo dib u helay xoriyadooda
Apr 07(Jowhar)Shan Caaqil oo kooxda Shabaab ay ka afduubatay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya , ayaa la sii daayey oo dib u helay xoriyadooda.
Warbaahinta gudaha ee dalkaasi Kenya oo soo xiganaya saraakiil amni iyo mas’uuliyiin kale ayaa xaqiijiyay sii deyntooda, balse ma aysan shaacin waxa lagu sii daayay.
Cuqaashan la sii daayey , waxa kooxdu qafaalatay bishii February ee sanadkan 2025.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in laamaha amniga Kenya ay isku dayayaan sidii ay su’aalo u weydiin lahaayeeb Odayaashan lasii daayay.